Friday, July 11th, 2014

Xog : Gareth Bale Waa Laacibkii Ugu Horeeyay Ee Wales Ah Oo El Clasico Gool Ka Dhaliya

Published on April 17, 2014 by
  ·   No Comments

Xiddiga Wales ee iyo kooxda Real Madrid ee Gaterh Bale ayaa ku hogaamiyay kooxdiisa koobka Cope Del Rey ka dib markii Bacelona ay ku garaaceen 2/1 kulan ka dhacay garoonka kooxda ee Atletico Madrid .

Bale ayaa dhaliyay goolkii labaad ee guusha daqiiqadii 85-aad ee dhamaadkii ciyaarta ka dib kubad uu si mucjiso ah uu u soo qaatay .

Gareth Bale ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay ee reer Wales oo gool ka dhaliya kulanka El Clasico , sidoo kale laacibkaan ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay ee reer Ingiriis oo gool ka dhaliya El Clasico tan iyo 10-kii April ee sanadkii 2005-tii xilligaas oo uu dhaliyay Michael Owen.

Waxaana xusid mudan in goolkaan uu u yahay Gareth Bale goolkiisii ugu horeeyay ee uu ka dhaliyo El Clasico tan iyo markii xagaagii hore uu ka soo huleelay Tottenham .

Sidoo kale Bale ayaa noqday laacibkii 7-aad oo reer Ingiriis ah oo El Clasico gool ka dhaliya .

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *