Thursday, July 10th, 2014

Xavi : Waxaan Mudneyn In Waqtiga Dheeriga La Ciyaarno Atletico Madrid

Published on April 10, 2014 by
  ·   No Comments

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Xavi ayaa ku dooday in kooxdiisa ay mudnaayeen in ay helaan bar bar dhac isla markaana Atletico Madrid la galaan waqtiga dheeriga .

Barcelona oo marti u aheyd Atletico Madrid ayaa looga badiyay hal gool oo nadiif kaasi oo laga dhaliyay biloowgii qeybii hore gaar ahaan daqiiqadii 15-aad .

Xavi ayaa ka dib ciyaartaas yiri ” waan qaldannay waayo wareegga 4-ta uma soo bixin , waxaan haysanay fursad aan ciyaarta bar bar dhac uga dhigi karnay”.

” Ugu dambeyn waxaan dib ugu laabaneynaa daawashada ciyaarta si aan idinkugu sheego in ay naga fiicnaayeen iyo in kale” ayuu sii raaciyay Xavi

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *