Xabi Alonso: ” Goolkii Gareth Bale Wuxuu Noo Ahaa Mid Layaab leh Oo Lama Filaan ah.”

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda  Real Madrid Xabi Alonso ayaa amaan kala dul dhacay saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin waa ninka aadka u dheereeya ee reer wales   Gareth Bale, goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay kooxda ay sida aadka ah isu hayaan ee  Barcelona  finalka Copa del Rey .

Xidigan reer Wales ayaa biya qabow dusha uga shubay kooxda Cataloniya katimid ee barca shantii daqiiqo ee ugu danbaysay ciyaarta isagoona soo afjaray hamigii ay ka  lahaayeen kooxda barcelona koobkan,  markii uu dhamaadka waqtiga dhimashada ee ciyaarta uu kadhaliyay gool aad u qurux badan oo lala cajabo.

“Wuxuu ahaa gool aad u qurux badan oo wax lala dhigaa aysan jirin, waxaan arkayay isagoo dhinac ordaya mid kamid ah daafacyada kooxda barca  halka mid kalena uu horay usoo dhaafay, waxay ku qaadatay un ilbiriqsiyo yar oo kooban markii uu diilinta garoonka uu kabaxay hadana uu orad lalayaabo ku orday isagoo isla markiiba kubad laad ah uu ka dhex bixiyay gool hayaha  shabaqa wardiyeeynayay ee  Pinto”  Xavi Alonso ayaa sidaa ugu waramay isagoo wajigiisa ay farxadi ka muuqato Jaraa,idka loo yaqaan BT Sport.

“Tani waxay fariin dadban u noqon doontaa cid walba oo anaga naga hortimaada  uma aaba yeeli doono runtii, waxaana dhiiragalin fiican u helaynaa in aan si fiican u ciyaarno kulamada noo soo socda” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xidigan reer Spain ee Alonso.

ALONSO2

Kooxda Los Blancos lagu naaneyso ee  Real madrid ayaa arabacada nagu soo aadan ka hortagi doonta kooxda xafidanaysa koobka horyaalada yurub ee Uefa Champions League waa Bayer Munich iyagoona ku soo dhaweyn doona garoonka kooxda real ee Bernabeu Stadium.

Share on Facebook

Fikirkaada Ku Dhiibo Facebook