Friday, July 25th, 2014

RASMI : Diego Costa Oo Kusoo Laabtay Tababarka Kowaad Ee Atletico Madrid.

Published on April 16, 2014 by   ·   No Comments

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Diego Costa ayaa la xaqiijiyey inuu kusoo laabtay tababarka kowaad ee kooxdiisa.

Weeraryahankan hada u shidan yahay horyaalka Spain iyo weliba qaarada Yurub ayaa laga cabsi qabay inuu seego Isbuucyada soo socda ka dib markii dilaac kasoo gaaray lugta bidix intii lugu gudo jiray kulankii kooxdiisa guusha 2:0 ahayd ka gaartay Getave Axadii dhowayd.

diego costa
Si kastaba, markii scan la mariyey oo xaaladiisa caafimaad la baaray ayaa la ogaaday inuusan wax dhaawac ah qabin, waxana weeraryahankan heerka caalami ee xulka Spain uu dib ugu soo laabtay tababarka kooxda kowaad ee Aletico Madrid habeenimadii Arbacada.

dieco

Atletico ayaa marti gelin doonta kooxda Elche habeenimada Jimcaha kulan ka tirsan La Liga, ka hor inta aysan kulanka lugta hore wareega Semi Finalka Champions League la qaadan kooxda kooxda Blues Isbuuca xiga.

costa
Costa ayaa dhaliyey 34 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *