Tuesday, July 29th, 2014

Maxaa Kala Haysta Caawa Udinese VS Juventus

Published on April 14, 2014 by   ·   No Comments

Juventus vs Udinese  LogosHogaamiyayaasha horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa u socdaalayso garoonka Stadio Friuli halkaas oo ay kula ciyaarayso habeenka sabtida kooxda Udinese kulan ka tirsan horyaalka Talyaaniga.

Tababare Antonio Conte ayaa u dhow in markii 3-aad oo xiriir ah uu u qaado horyaalka Talyaaniga kooxdiisa Juventus waxaana Macalinkaan da’da yar Antonio Conte uu la ciyaarayaa kulanka ugu adag ciyaarta 37-aad horyaalka Talyaaniga naadiga kusoo dhow ee Roma.

Udinese ayaa ah koox kamid ah naadiyada looga baqo in ay ka badin karaan Juventus marka loo fiiriyo kulamada u harsan waxaana Juventus ay la ciyaraysaa naadiga lagu naanayso Dameer Farowga ama Zebrette ee Udinese kadib ayay la ciyaaraysaa Bologna,Sassuolo iyo Atalanta kadibna Roma ayay wajahaysaa waana kulamada horyaalka Talyaaniga ugu dambeeyo ay Juventus ciyaari doonto.

Kulamadii ugu dambeeyay ay Juventus la ciyaartay Udinese ayaa ka badisay afar ciyaarood oo Udinese xitaa goolal ka dhalin weysay.

Udinese ayaa isku dayayso in ay kamid noqoto kooxaha xilli ciyaareedkaan celiyay ee ka badiyay Juventus oo markii 3-aad oo xiriir ah u dhow in ay qaado oo ay ku guulaysato horyaalka Talyaaniga.

Ciyaartaan ka dhacayso garoonka Stadio Friuli oo ku yaallo deegaanka Udine ayaa noqonaya mid kamid ah kulamada loo cabsado Juventus in ay ka heli weyso saddexda dhibic ee kulankaas.

Juventus kulankaan waxaa dhaawacyo iyo ganaaxyo ay ku weynaysaa oo kaga maqnaanaya qaar kamid ah ciyaaryahanadeeda sida Andrea Barzagli.

Antonio Conte oo ah macalinka Juventus ayaa sameenaya saddex is badal kulankaan isagoo Fernando Llorente,Stephan Lichtsteiner iyo Paul Pogba ay ciyaarsiinayo kulankaan.

Xidigaha Andrea Barzagli iyo Simone Pepe ayaa ka maqnaanaya Juventus kulankaan kuwaas oo dhaawacyo iyo ganaaxyo ku kala maqnaanaya.

Juventus waxay rajo ka qabtaa in sanadkaan ay kuwada guulaysato labadaba waa Horyaalka Talyaaniga iyo koobka Europe League oo  labadaba ay kaga xiran yihiiin in ay badiyaan labo kulamo yar.

Tababaraha Udinese Francesco Guidolin ayaa waxaa ciyaartaan ka maqnaanaya Emmanuel Agyemang-Badu oo kulankaan ka ganaaxan,waxaana suura gal ah Andrea Lazzari ayaa la rajeenayaa inuu kusoo bilaabo kulankaan halka Antonio Di Natale iyo Dusan Basta ay xulka Udinese dib ugu soo laaban doonaan.

Kwadwo Asamoah ayaa kadib guushii 2-1 ay lugta 2-aad ugu badiyeen Lyon koobka Europe League wuxuu sheegay in Juventus ay tahay koox dhisan oo dhan kasta ka wanaagsan islamarkaasna uu jeclaan lahaa inuu kula guulaysto koobka Europe League iyo Horyaalka uu la qaado.

Simone Schuffet waa goolhayaha Udinese waa kaliya 17 sanno jir waana xidig si weyn amaan u mutaystay waana mid ku wanaagsan qabashada kubadaha halista ah.

Weeraryahanada Juventus shaqo adag ayaa hor taallo sidii ay gool ku dhaafin lahaayeen wiilkan 17 sanno jirka ah ee Simone Schuffet oo leh xirfad u muuqata tan Buffon uu lasoo baxay waayihiisa uu yaraa.

Shantii kulan ugu dambeeyay Udinese ay ciyaartay horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareeedkaan ayay badisay 2 jeer waxana laga badiyay labo jeer halka hal kulan ay bar baro gashay waxaana laga badiyay ciyaarti ugu dambeeysay.

Juventus ayaa shantii ciyaarood ugu dambeeyay oo ay ciyaartay waxay badisay 4 jeer hal kulana waa laga badiyay.

Kulankii xilli ciyaareeedkii lasoo dhaafay garoonka Stadio Friuli ku dhexmaray Udinese iyo Juventus ayaa 4-1 waxaa ku badisay Juventus.

Udinese iyo Juventus waa labada koox ugu bareejada yar horyaalka Talyaaniga xilligaan.

Xulka Macquulka ah ay Udinese ciyaarsiin doonto ayaa kala ah.

Udinese:Scuffet; Heurtaux, Danilo, Bubnjic; Basta, Lazzari, Allan, Pereyra, Gabriel Silva; Fernandes; Di Natale

Xulka Macquulka ah ay Juventus ciyaarsiin doonto ayaa kala ah.

Juventus: Buffon; Caceres, Bonucci, Chiellini; Lichtsteiner, Vidal, Pirlo, Pogba, Asamoah; Llorente, Tevez.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *