Friday, August 1st, 2014

Xog: Liverpool Oo Rikoor Taariikhi Ah Oo Gool Dhalinta Horyaalka Ingiriiska Ah Sameysay

Published on April 13, 2014 by   ·   No Comments

Lverpool ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda horyalaka kula tartameysa ee Man City oo ay ku garaaceen 3 gool iyo laba ka dib kulan ka dhacay garoonka Liverpool kaasi oo qeyb ka ahaa wareegga 34-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Waxa ayna shabakada optasports.com sheegeysa in Liverpool ay u suura gashay in ay gaaraan gooshoodii 93-aad ee horyalaka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkaan , waxa ayna dadaal ugu jiraan horyaalka in ay qaadaan kaasi oo in muddo ah ka maqan qasnadooda .

Shabakadaan ayaa sheegeysa in tirada goolashaaan ay yihiin kuwii ugu badnaa taariikhda Liverpool ee ka qeyb galkooda horyaalka Ingiriiska ee ay gaaraan , waxa uuna koobkaan horyaalka Ingiriiska ka maqan yahay muddo 25-sano ah .

Waxa ay shabakadda kooxda.com xuseysaa in Liverpool yihiin xilli ciyaareedkaan kooxda labaad ee ugu xooggan dhanka weerarka dhamaan qaraadda yurub marka laga yimaado Liverpool oo dhalisay 94 gool illa haatan waxaana kaalinta 3-aad ku jirta Barcelona oo dhalisay 92 gool.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *