Friday, March 27th, 2015

Waxay U Socdaan Horyaalka : Daawo Sawirada Wiilasha Brenden Rodgers Oo Gaaray Norwich City.

Published on April 20, 2014 by   ·   3 Comments

Iyadoo kooxda Chelsea oo Premier League kula dagaalamaysay Liverpool xalay dhulka lugu jiiday oo iyada oo ku ciyaarayso gurigeeda guuldaro 2:1 ah kala kulantay kooxda Sunderland.

Hadaba wiilasha macalin Brenden Rodgers ayaa fursad wayn u haysta hadii ay galabta guul gaaraan inay kusii dhowaadaan hanashada horyaalka England, waxayna marti u noqon doonaan Norwich City oo Mininkeeda joogta.

Marka Reds la ciyaarayso kooxdaan Norwich waxba laysma dhibayo keliya waxaa madaxaaga kusoo dhacaya Luis Suarez kaas oo shaqadeeda yaqaan kooxdaan.

Goolmagafe Luis Suarez ayaa Norwich City 4 kulan ka dhaliyey 11 gool, iyadoo ay ku jirto kulankii 4ta gool kaga dhaliyey Anfield Road xilli ciyaareedkan.

Hadaba Daawo Sawirada Wiilasha Rodgers Oo Gaaray Norwich City :

1  4 5 77 5 4 6 13 2

Share on Facebook

Comments