Wednesday, July 30th, 2014

Ryan Giggs Oo Aaminsan In Wayne Rooney Uu England Guulo U Horseedi Doono Marka Lagaaro Koobka Aduunka.

Published on May 10, 2014 by   ·   No Comments

Tababaraha kumeel gaarka ah ee kooxda Manchester United Ryan Giggs ayaa aaminsan in Wayne Rooney uu guulo u hogaamin doono xulka England marka ay ka qeyb galaan koobka Aduunka kaas oo bisha June ka furmi doona dalka Brazil.

Wayne Rooney ayaan wax guulo ah u hogaamin xulka England waana mida kaliya ee ka dhiman inuu noqdo xidiga ugu wanaagsan England taariikh ahaan.

2004 ayuu kala qeyb galay England Koobkii Euro 2004 ee lagu qabtay Portugal inkastoo xulkiisa uu meel fiican gaaray hadana wuxuu sameeyay dhaqan xumo taaso loo aaneeyay da’diisa yar isagoo markaas ahaa 18-jir.

Koobkii Aduunka ee 2006 ayuu kala qeyb galay Xulka England, balse Casaan ayaa lagu abaalmariyay kulankii Quater finalka ee xulkiisa ay la ciyareen Portugal markii uu ka gardarooday C. Ronaldo oo ay isku koox ahaayeen isagoo 20-jir ah.

2008, xulka England kama aysan soo qeyb galin Euro 2008 waxaana lagu reebay Groupyada inkastoo uusan xulkiisa u hogaamin iney soo baxaan.

2010 ayuu xulkisa mar kale kala qeyb galay Koobkii Aduunka ee lagu qabtay Africa markii ugu horeysay balse muuqaal wanaagsan kuma yeelan 4-1 ayaana lagu soo qaarijiyay xulkiisa markii ay wajaheen Jarmalka.

Intaas waxaa sii dheer in Rooney uusan hal gool dhalin tartanka koobka Aduunka oo uu ka qeyb galayo markiisii sadexaad haatan, Alan Hudson oo ahaa halyeey hore oo Chelsea ka tirsan ayaana Roy Hogdson oo tababraha England ah u sheegay in Rooney uusan u qalmin in xulka lagu daro.

Si Kastaba Tababare Ryan Giggs ayaa aaminsan in Rooney uu wax walba sameyn karo sanadkaan isla markaana uu rumeyn karo riyada xulka England.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *