Wednesday, December 17th, 2014

Rodgers : Agger Kulanka Man City Ee Axadda Waa U Diyaar

Published on April 11, 2014 by   ·   No Comments

Macalinka kooxda Liverpool ee Brendan Rodgers ayaa xaqiijiyay in daaficiisa Agger uu qeyb ka yahay kulanka Man City ee axadda .

Sports Mole ayaa ka soo xigatay Brendan Rodgers ka dib kulan wareed uu qabtay ” dhamaan waa diyaar , Agger waa uu ku soo laabtay shaxda kooxda marka laga yimaado Jose Enrique , 20- kale ayaan haysanaa”.

Daafacaan reer Denmark ayaa ka maqnaaday kulankii hore ee West Ham sababo la xariira dhaawac jilibka ah balse tababrka ayuu ku soo laabtay biloowgii todobaadkii hore.

Liverpool ayaa haatan haysa hogaanka horyaalka Ingriiska waxa ayna kulan adag axadda la leeyihiin kooxda Man City oo iyana horyaalka u dagaalameysa

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current ye@r *