Sunday, November 23rd, 2014

Real Madrid Vs Bayern Munich, Atletico Vs Chelsea, Isku Aadka Dhago Wayne Champions League Oo La Sameeyey.

Published on April 11, 2014 by   ·   No Comments

Isku aadka wareega Semi Finalka Champions League ayaa la shaaciyey, waxana madaxa la isku geliyey kooxo aad u adag.

Kooxda Koobkaan difaacanaysa ee Bayern Munich ayaa lugta hore wareega  4ta Champions League u safri doona garoonka Santiago Bernabue waxayna ku dhaceen kooxda Real Madrid.

Waa kulan xiiso badan oo aad loo wada sugayo, markii labadaan kooxood ee magaca ku leh Yurub markale is wajahaan.

Dhinaca kale kooxo isku cusub ayaa madaxa isla galay, waxana kooxda Jose Mourinho ee Chelsea madaxa la gashay kooxda xilli ciyaareedkan laga yaaban yahay ee Atletico Madrid.

Kulanka lugta hore ayaa lugu horayn doonaa Caasumada Spain ee Vincent Caldron, halkaas oo ay Blues booqan doonto.

Isku Aadka Wareega Semi Finalka Champions League oo Dhamaystiran :

Real Madrid Vs Bayern Munich

Athletico Madrid Vs Chelsea

Waxaana kulamada lugta hore la qaban doonaa  22ka iyo 23ka April halka lugta labaad la ciyaari doono 29ka iyo 30ka April. Finalka Champions League waxaa la qaban doonaa maalinta sabtida 24ka May iyadoo uu finalka ka dhici doono garoonka kooxda Benfica Estádio do Sport Lisboa.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current ye@r *