Sunday, July 13th, 2014

Manuel Pellegrini Muxuu Ka Yiri In Sergio Aguero Ku Bedalan Doono Luis Suarez?.

Published on April 13, 2014 by   ·   No Comments

Hogaamiyaha kooxda Man City Manuel Pellegrini ayaa daaqada ka saaray wararka sheegaya in weeraryahankiisa Kun Aguero kusoo bedelan doono goolmagafaha Liverpool Luis Suarez.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa seegay 5tii kulan ee ugu dambaysay ee ay City ciyaartay horyaalka dhaawac seeda ah awgeed, waxana uu dhaliyey 26 gool 28 gool oo uu xilli ciyaareedkan kasoo muuqday kooxdiisa, laakiin weeraryahanka ugu goolasha badan Premier League waa Luis Suarez kaas 28 gool dhaliyey 33 kula oo uu ciyaaray.

suarez and sergio
” Labadubada waa waa ciyaaryahano waa wayn ayuu Pellegrini ugu waramay Saxaadada ka hor kulanka maanta.

” Suarez xilli ciyaareedkan mid cajiib ah ayeey u tahay si wayn ayuu u ciyaaray, waxa uu dhaliyey goolal badan. Laakiin Sergio waxay u ahayd xilli ciyaareed adag ka dib dhaawacyo hareeyey.

” Wax badan ayaa ka fekeraa Suarez. waa ciyaaryahan wayn, keliya ma han weeraryahan, waxa uu dhaliyey goolal badan, isagoona xataa nafta u huraya kooxdiisa Liverpool.

suarez_aguero
” Laakiin hadii aad i waydiiso ku bedalo Suarez xiddiga Sergio, waxaan dhihi doonaa maya, waxaan sii haysan doonaa Sergio ayuu hadalkiisa kusoo afjaray Pellegrini.

Aguero ayaa taam u ah inuu galabta wajaho Liverpool kulanka kooxdiisa booqan doonto Anfield.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *