Saturday, July 12th, 2014

Man United Oo David Moyes Ku Badeli Doonto Jurgen Klopp , Xilli Durba Loo Diyaariyey Lacagtii Uu Suuqa Ku Geli Lahaa.

Published on April 15, 2014 by   ·   3 Comments

Kooxda Manchester United ayaa doonaysa in macalinka Borussia Dortmund ninka lugu magacaabo Jurgen Klopp bedal uga dhigto macalinkeeda xaalku ku xun yahay ee David Moyes.

United ayaa halgan ugu jirta inay hesho nolol ka baxsan macalinka reer Scotland xilli ciyareedkan, waxayna Shayaadiinta Cas Cas xilligan fadhida kalainta Todobaad ee Premier League, 20 dhibcood ayeeyna ka dambeeyaan Liverpool oo hogaaminaysa Premier League.

Daily Mirror ayaa laga soo xigtay in United geed dheer iyo mid gaaban uga fadhido sidii macalinka reer Jarmal Jurgen Klopp ay u magacoowdo shaqada Old Trafford dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in macalin Jurgen Klopp la siin doono aduun gaaraya £200m si uu dib ugu dhiso kooxda Man United xilli ciyaareedka soo socda.

Moyes ayaa maalinta Axada ah wajahi doona kooxdiisii hore ee Everton kulan ka tirsan horyaalka England.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (3)

  1. abdulahi golden boy says:

    hadayno nahay taageerayaasha man utd waan ku faraxanahy imaan shaha macalinka la is ku haleen karo ee klopp

  2. faniboy says:

    Wan ku farah sanahay klopp waa macalin aad u fican oo hadanah leh adadis wanagsan

  3. Man Utd will never die... says:

    wan ku farxasanahy wlcm klopp wa macalin la isku hali karo :-D



Current day month ye@r *