Saturday, October 25th, 2014

Liverpool Oo Bartilmaameed Ka Dhigatay Xiddig Daafac Bidix Uga Ciyaara kooxda Granada.

Published on April 11, 2014 by   ·   No Comments

Kooxda Liverpool ayaa weli doonaysa saxiixa daafaca bidix ee kooxda Granada wiilka lugu magacaabo Guilherme Siqueira.

27 sano jirkaan ka ciyaara daafaca bidix ayaa waxaa xagaagii dalab u dirsatay Reds walow ay ku fashilmatay ka dib markii kooxda uu ka tirsan yahay go’aansatay inay iska iibiso, laakiin markii dambe waxa uu qaab amaah ah ugu biiray Benfica, Daily Mail ayaa laga soo xigtay.

Kooxa ka dhisan Caasumada Spain ee Real Madrid ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddigan heerka caalami ee xulka Brazil iyadoona wada hadalo lahayd Kooxdiisa, laakiin Granada ayaa diiday inaysan jirin wax koox ah oo ay heshiis la gaartay.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current ye@r *