Sunday, July 13th, 2014

Ka Hor Kulanka Liverpool Vs City : Wax Ka Ogoow Xog Muhiim Ah Oo Ku Jirta Kulanka.

Published on April 13, 2014 by   ·   4 Comments

Kooxda Liverpool iyo Man City ayaa ku balansan kulan qeyb ka ah wareegga 34-aad ee horyaalka Ingriiska kaasi oo ka dhacaya garoonka Anfild , waana kulan lagu ogaanayo kooxda xilli ciyaareedkaan qaadi karta horyaalka Ingiriiska .

Liverpool ayaa haatan hogaanka ku haysa 74-dhibic waxaan ku soo xigta Chelsea oo leh 72 halka Man City ku jiraan kaalinta 3-aad iyaga oo leh 70 dhibic xilli ciddii badisa labadaan koox ay si weyn ugu dhawaanayaan in ay qaadaan horyaalka Ingiriiska .

Hadaba kooxda.com ayaa dhinacyo kala duwan ka eegeysa xog ku jirta kulankaan adag ee Liverpool iyo Man City .

* Liverpool waxaa u suura gashay in ay ka badiyaan 7-da koox ee ugu horeeya horyaalka xilli ciyaareedkaan ee ay kula yeesheen garoonka Anfield , waxa ayna kulamadaas ku dhaliyeen 14 gool halka iyana ay qaabileen kaliya hal gool.

*Man City kaliya hal guul ayay ka keeneen 16-koodii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaareen Anfield , 5 kulan bar bar dhac ayay galeen 10-kulanna waa laga badiyay

* Liverpool iyo Man City waa labada koox ee xilli ciyaareedkana ugu gool dhalinta badan , Liverpool 90 gool ayay dhaliyeen halka Man City dhaliyeen 84 gool.

* Liverpool waxa ay dhaliyeen xilli ciyaareedkaan 90 gool oo horyaalka Ingiriiska ah , kaliya hal koox ayaa sameeysay in ay dhaliyaan in ka badan goolashaas waana Man City oo xilli ciyaareedkii 2011/2012-dii dhalisay 93 gool.

* Kulankaan waxaa ku kulamaya ciyaartooyda ugu badan ee dhaliya goolasha rigoorooyinka ah iyo Free Kick-yada ee xilli ciyaareedkaan waana kabtan Gerrarad oo laba 12 gool oo rigoore ah dhaliyay halka Yaya Toure uu dhaliyay 10- gool oo Free Kick ah.

* Sergio Aguero waxa uu sugayaa kulankaan si uu uga dhaliyo goolkiisii 7-aad oo uu banaanka garoonka City ku soo dhaliyo .

* Gerrard waxa uu kulankaan soo galayaa isaga oo ah gool sameeyaha ugu badan ee sameeya goolasha iyadoo xilli ciyaareedkaan uu sameeyay 7 gool.

 

 

 

 

 

 

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (4)

  1. cimraan says:

    SHAKI KUMA JIRO LIVERPOOL INEY BADINEYSO WAXAAN U SII QORAA DHIBCAHA 77

  2. cali xuush 10 says:

    asc bahda sbortiga dhamantiina hadii aan ka hadlo ciyarta manta dhacayso waa ciyaar xamasad leh runtii man city and liverbool waa labo naadi oo weyn saas ey tahay waxan badinkaro man city saadashana waa labo iyo i bar waxana looga badina liverbool asc

  3. Rashka says:

    Mancity 3 liverpool 0

  4. binwarfa says:

    Isha alah guul liverpool



Current day month ye@r *