Iska Iloow Wixii Hore : Patrice Evra Oo U Codeeyey Luis Suarez.

Iyadoo ay dhacday in Luis Suarez luqunta loo geliyey 8 kulan oo ganaax ah ka dib markuu uu cunsiriyad u gaystay daafaca Man United Patrice Evra xilli ciyaareedkii hore ayaa hadana daafaca Red Devils  taageero u muujiyey Luis Suarez isagoona sheegay inuu u codayey abaalmarinta laacibka sanadka Premier League ee PFA Player.

Majalada Sundey People ayaaa laga soo xigtay in daafaca heerka caalami ee xulka France ee Evra u codeeyey weeraryahanka reer Uruguey laacibka sanadka ee Premier League PFA Player .

Liverpool Vs Man United Patrice evra luis suarez 3
Weeraryahanka Reds ayaa qaybka ah ciyaartooyda u sharaxan abaalmarintaas, waxana uu saxiixay 29 gool tartanka horyaalka England.

Liverpool Vs Man United Patrice evra luis suarez 1

Share on Facebook

Fikirkaada Ku Dhiibo Facebook