Wednesday, July 30th, 2014

Inter iyo Ac Milan oo ku dagaalamaya Daafaca Liverpool Aly Cissokho.

Published on April 13, 2014 by   ·   No Comments

Aly CissokhoKooxaha ka dhisan magaalada Milan ee Ac Milan iyo Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagalamayaan saxiixa ciyaaryahanka daafaaca ugu ciyaaro naadiga Liverpool ee lagu magacaabo Aly Cissokho.

Aly Cissokho ayaa si amaah ah kula joogo kooxda Liverpool isagoo ay amaah hal xilli ciyaareed ah kaga soo qaateen naadiga ka dhisan dalka Spain ee Valancia.

Liverpool ayaa markii hore doonaysay in ay si rasmi ah ula saxiixato ama ay ula wareegto ciyaaryahan Aly Cissokho xilligaan kadib laakin wuxuu ku fashilmay xilligiisa ugu horeeyay ee tijaabada uu kula joogay Liverpool isagoo qaladaad badan sameeyay kulamada yar uu u ciyaaray Liverpool xilligaan.

Warbaahinta Plaza Deportivo ayaa qortay in kooxaha reer Talyaani ee Ac Milan iyo Inter ay ku dagaalamayaan helitaanka ciyaaryahan Aly Cissokho kaas oo ay kala hadlayaan kooxda leh milkayaddiisa ee Valancia.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *