Sunday, July 13th, 2014

De Gea : Waa In Aan U Soo Baxnaa Europa League .

Published on April 16, 2014 by   ·   No Comments

Gool hayaha kooxda Man United ee David de Gea ayaa muujiyay sida uu u rajeynayo in uu xilli ciyaareedka dambe ka qeyb galo tartanka europa league haddii kooxdiisa awood u yeelan waayaan in ay u soo baxaan Champion-ka .

Wargeyska Daily Star ayaa sheegaya in United aysan waayin fursadda looga soo baxo Champion-ka muddo gaareysa 19-sano waxa uuna gool hayahaan reer Spain doonayaa in xilli ciyaareedka dambe ka qeyb galo Europa League .

Wariyaasha ayuu De Gea ka hor yiri ” kulamo badan oo muhiimsan ayaa inoo harsan , Ka Man United ahaan waxa uu waajibkeena yahay in aan ku guuleysanno kulan waliba oo aan ka qeyb galeyno”.

De Gea ayaa intaas sii raaciyay ” waxaan isku dayeynaa in aan ku dhameysano booska ugu sareeya ee horyaalka haddii ay suura gal tahay , waxaan xoogga sareynaa in aan ka harin dhamaan tartamada yurub , isma dhiibeyno waa in Europa league ka qeyb galnaa”.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *