Thursday, July 10th, 2014

Daily Mirror : Javier Mascherano Oo Dib Ugu Soo Laabanaya Premier League, Kooxdee Ku Biirayaa?

Published on May 14, 2014 by
  ·   1 Comment

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Javier Mascherano ayaa lasoo sheegayaa inuu Albaabada u furay dib ugu soo laabashada horyaalka England ee Premier League.

Javier Mascherano ayaa Liverpool u saftay 139 kulan intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2010, waxana xiddigan heerka caalami ee xulka Argentina xiisaynaya inuu dib ugu soo laabto Anfield Road.

Daily Mirror ayaa laga soo xigtay in wakiilka 29 sano jikaan uu cadeeyey in xiddigan ka tirsan Barce laga heli karo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ka dib markii la sheegay inaan laga xiisaynayn Camp Nou.

Javier Mascherano ayaa Qandaraaskiisa kooxda reer Catalooniya waxa uu ku eg yahay 2015ka, waxana lugu heli kara aduun gaaraya £9m.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (1)

  1. binwarfa says:

    Waaw waan ubahanay lfc



Current day month ye@r *