Friday, July 25th, 2014

Chelsea oo Mar Kale kusoo biirtay Xiisaha Loo Qabo Max Kruse.

Published on April 12, 2014 by   ·   No Comments

Max KruseKooxda Chelsea ayaa shaaca ka qaaday in ay xiisenayso ciyaaryahanka naadiga ka dhisan dalka Jarmalka ee Borussia Mnchengladbach ee lagu magacaabo Max Kruse.

Weeraryahanka caalamiga wadanka Jarmalka Max Kruse ayaa bartil maameed u noqday kooxda Chelsea mar kale xilli ciyaareedkaan gudahiisa isagoo soo jiitay ciyaarihiisa tababare Jose Mourinho.

Chelsea ayaa diyaar u ah inay kula dagaalanto Manchester utd xiisaha loo qabo saxiixa ciyaaryahan Max Kruse kaas oo kulamo ciyaareed fiican kasoo bandhigay horyaalka Jarmalka xili ciyaareedkaan.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ee Chelsea ayaa doonayso in Max Kruse dib ula mideeyso Andre Schurrle waxayna rabtaa xilliga soo aadan in labadaan ciyartooy ay ka wada ciyaarsiiso horyaalka Ingiriiska.

Jose Mourinho ayaa loolan ku aadan saxiixa Max Kruse la galaya Tababaraha Fashilmay kooxda Manchester utd David Moyes oo labadoodaba ay taageero u yihiin islamarkaasna xiiseenaya weeraryahan Max Kruse.

Max Kruse ayaa u dhaliyay kooxdiisa Borussia M’glabech 11 gool waxaana qandaraaska uu kula jiro ka harsan saddex sannadood oo kale.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *