Monday, November 24th, 2014

Asxaan Ma Jiro Waa Qasab, Thibaut Courtois Oo Ka Hortagaya Kooxdiisa Chelsea.

Published on April 11, 2014 by   ·   No Comments

Xiriirka kubada cagta ee Yurub Uefa ayaa qasab ka dhigtay una sheegtay Chelsea inay ogolaato in goolhayaheeda sida amaahada ah kaga maqan ee Thibaut Courtois ciyaari karo kulanka labadaan kooxood isku arki doonaan wareega Semi Finalka Champions League.

Blues ayaa horay shuruud uga dhigtay kooxda reer Spain in hadii ay doonayso in Thibaut Courtois u ciyaaro Champions League inay miiska saaraan kulan kasta 4 million taas o la micno ah inay iska soo wareejiso 8 million labada lugba.

Laakiin Uefa ayaa arintaan hada madaxa lasoo gashay, waxayna Blues u sheegtay inay ogolaato in goolhaye Thibaut Courtois ciyaaro kulamada ay iska hortagayaan.

Waxayna taasi la micno tahay in wax lacag ah laga qaadi doonin kooxda ka dhisan Caasumada Spain ee Atletico Madrid.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current ye@r *