Sunday, July 13th, 2014

Arsenal Oo Labo Xidig Oo Muhiim Ah Ay Ka Maqnaan Doonaan Finalaha FA Cup-ka Hadaba Waa kuwee?

Published on May 15, 2014 by   ·   3 Comments

Kooxda Arsenal sabtida nagu soo fool leh waxay kama dambeysta FA Cup-ka la cayaari doontaa naadiga Hull City iyadoona ku rajo weyn in markii ugu horeesay mudo 9-sano kadib ay koob ku guulaysato.

Ka hor kulankan xiisaha badan macalin Arsene Wenger ayaa saxaafada la hadlay wuxuuna ka dhawaajiyay labo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan inay kooxdan dhaawac ku seegi doonaan kulankan waxayna xidigahaas kala yihiin Alex Oxlade-Chamberlain iyo Thomas Vermaelen.Inkastoo Arsenal ay ku rajo weyn tahay inay Hull City si sahlan ku dhaafi karaan hadana Wenger ayaa walaac ka muujiyay maqnaanshaha labadan xidig wuxuuna yiri:

“waan ka xumahay Alex iyo Thomas Wembley Stadium kama soo muuqan doonaan sabtida madaama ay dhaawacan yihiin waxaan u rajeynayaa soo kabasho wacan iyo sido kalena in ay koobka nagula dabaal dagaan”

Chamberlain isaga dhaawac dhanka gumaarka ah ayuu qabaa mana uusan u safanin kooxdiisa Arsenal 3-todobaad ee ugu dambeysay sidoo kale Vermaelen isagana jilibka ayuu ka dhaawacan yahay mana uusan kasoo muuqanin garoonka Emirates tan iyo bishii hore sidaa darteed labadan xidig Arsenal ma xisaabsan doonto.

Geesta kale tababare Wenger ayaa sheegay in Jack Wilshere uu Finalaha FA Cup-ka ciyaari doono wuxuuna yiri “nasiib wanaag Jack todobaadkii hore ayuu kooxda dib ugu soo laabtay inkastoo weli uusan kulamo badan cayaarin hadana waan huba sabtida inuu safan doono sidoo kalena waxqabadkiisa wanaagsan nagu caawin karo madaama aan dhamaanteen u wada baahanahay inaan xili cayaareedkan guul kusoo gabagabeyno.”

 

 

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (3)

  1. raxma says:

    abaaaba wenger hacabsanin
    yaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah

  2. dahir says:

    laaaaaaaaaaabaaaaaaaaaaaas
    arsene hawalwalin
    arsenaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaallllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllguuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuulllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllll

  3. sahal Gunners says:

    war hakabaqin koobkaan cid kaaxigta malahan walaaca ayaan kugu nacay oday igadaa cayaarta



Current day month ye@r *