Thursday, July 24th, 2014

Arsenal Oo Indhaha Ku Haysa John Stones.

Published on April 10, 2014 by   ·   No Comments

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay door bideyso in ay u dhaqaaqdo daafaca naadiga Everton oo lagu magacaabo John Stones.

John Stones waa 19 sanno jir waxaana xidigaas dabagal ku sameenayay tababaraha Arsenal Arsene Wenger kaas oo uu doonayo inuu lasoo wareego.

Tababare Arsene Wenger ayaa xidigaan John Stones xiiseenayay ka hor inta uusan kusoo biirin Everton sanadkii lasoo dhaafay wuxuuna Macalinka Arsenal dhowr jeer sheegay xiisaha uu u qabo Ciyaaryahan John Stones oo u ciyaari jiray kooxda Barnsley ka hor inta uusan kusoo biirin garoonka Goodison Park.

Warbaahinta Mitro ayaa qortay in Tababare Wenger uu wakiilo u diray kulamada Everton ciyaarayso si ay u daawadaan ciyaaraha uu soo bandhigayo daafaca Everton John Stones.

Si kastaba ma jiro qiimo lacageed ay Arsenal soo bandhigtay oo ay ku doonayso daafaca John Stones.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *