Monday, September 1st, 2014

Arsenal oo Dalab u Dirtay Daafaca Man utd Chris Smalling.

Published on April 18, 2014 by
  ·   No Comments

Chris-Smalling-Manchester-United

Kooxda Arsenal ayaa la sheegay in ay dalab la yaab leh u dirtay Manchester Utd oo ay ka doonayso daafaca dhexe Chris Smalling.

Tababare Arsene Wenger ayaa qorsheenaya in xilliga soo aadan uu lasoo saxiixdo Chris Smalling kaas oo uu u arko inuu yahay mid leh daafacaad wanaagsan.

Madaxa wakiilada Arsenal oo lagu magacaabo Ivan Gazidis ayaa bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay lagu wargaliyay inuu u dhaqaaqo sidii uu ugu dhaadhicin lahaa Chris Smalling inuu yimaado Arsenal waxaana taas ku amray Tababare Arsene Wenger.

Tababare Arsene Wenger ayaa taageero u ah ciyaaryahanka daafaca Ingiriiska Chris Smalling wuxuu isku dayay Macalin Arsene Wenger inuu  lasoo saxiixdo Chris Smalling sanadki 2010 markaas oo Fulham uu ku sugnaa.

Chris Smalling waa 24 sanno jir wuxuu u saftay Manchester utd 120 kulan isagoo kulamo badan xilligaan u ciyaaray Manchester utd.

Arsenal ayaa rumaysan in Chris Smalling ay ku heli karto 12 milyan oo gini islamarkaasna ay diyaar u tahay inay siiso mushaarada 52 kun oo gini uu todobaadkii Manchester utd u ka qaato haatan.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current ye@r *