WARBIXIN: Tottenham Oo Doonaysa In Ay Liverpool U Soo Baxdo Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe, Chelsea Ka Harto Waliba Real Madrid Ku Guulaysato Koobka Champions League Xilli Ciyaareedkan & Sababta Oo La Ogaaday

Kooxda Tottenham ayaa doonaysa in ay kooxda Liverpool dhigeeda chelsea ku garaacdo kaalinta loogu soo baxayo champions League xilli ciyaareedka dambe laakiin sidoo kale doonaysa in ay Liverpool ku fashilanto ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Tababare Mauricio Pochettino ayaa goostay tigidhkooda champions Leageu xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay guul ka gaareen Newcastle Arbacadii.

Laakiin Fursada ay kooxda Tottenham ugu dhici karto Group fudud ayaa fiicnaan kara hadii ay kooxda Liverpool u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe chelsea ka harto isla markaas kooxda Liverpool ku fashilanto in ay ku guulaysato tartanka champions League 26 May.

Xeerka Champions League ayaa ah in Pot1 ay gali doonaan kooxaha ugu qiimaynta badan iyada oo lagu qiimanayo qaab ciyaareedkooda tartanka sanadihii ugu dambeeyay.

Sideeda kooxood ee Pot1 gali doona ayaa kala socon doona Spain, Germany,England, Italy,France,Russia,Portugal iyo Ukraine taas oo la macno ah kooxaha Barcelona, Bayern Munich, Manchester City, Juventus oo hal dhibic u baahan Paris St-Germain, Lokomotiv Moscow, Porto & Shakhtar Donetsk

Laakiin kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayuu midkood ku guulaysan doonaa champions League xilli ciyaareedkan taas oo la macno ah in kooxda ku guulaysata tartanka ay si toos ah uga mid noqon doonto Pot1 taas oo keenaysa in kooxda Shakhtar Donetsk hoos ugu dhici doonto Pot1.

Pot-ka champions League ayaa lagu qiimeeyaa dhibcaha iyo Goolasha ay kooxdu heshay 5-tii xilli ciyaareed ee uu dambaysay.

Hadii ay Liverpool ku dhamaysato 4-ta kooxood ee ugu saraysa finalka champions League-na u waydo kooxda Real Madrid, Kooxda Tottenham ayaa si toos ah uga qayb gali doonta Pot2 iyada oo ku biiri doonta kooxaha Atletico Madrid, Borussia Dortmund, Donetsk, Napoli.

Laakiin Hadii ay Liverpool ku guulaysato champions League waxa ay si toos ah u gali doontaa Pot1 Real Madrid ayaana hoos ugu dhici doona Pot2 taas oo la macno ah in Tottnehma u baahantahay in kooxaha Benfica ama Basel midkood hoos uga dhoco Pot2 si ay u sii joogto Pot2.

Chelsea ayaa ka sarayn doonta Tottenham hadii ay u soo baxdo champions League kana Badiso Newcastle, Liverpool-na guuldaro kala kulanto Brighton.

Hadii ay Liverpool u soo baxdo champions league xilli ciyaareedka dambe laakiin ku guulaysan waydo Xilli ciyaareedkan waxa ay noqon doonaan Pot3.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada