WARBIXIN: Sergio Ramos Vs Lionel Messi, Cristiano Ronaldo Vs Gerrard Pique & Meelaha Ay Ku Kala Badain Karaan Kooxaha Barcelona & Real Madrid.

Barcelona ayaa wakhti hore ku guulaysatay horyaalka La Liga sidoo kale ku guulaystay laba koob halka ay kooxdaa Zinedine Zidane ku dhaw yihiin in ay taariikh yurub ah sameeyaan kadib markii ay iska xaadiriyeen finalka champions League markii 3-aad oo xiriir ah.

Barcelona ayaa laga yaabaa in ay dhamaystirtay u jeedkeeda xilli ciyaareedkan laakiin Real Madrid ayay wali shaqo u taalaa marka loo eego yurub iyo Horyaalkaba.

Los Blancos ayaa u dagaalami doonta in ay ku guulaysato champions League sidoo kale horyaalka kaga dhamaysato kaalinta 2-aad ee kala saraynta.

Hadaba Los Blancos ayaa isha ku haysa guul ay ka gaarto Camp Nou si ay ugu dagaalanto kaalinta 2-aad halka ay Barcelona doonaysa in ay sii wadato rikoorkeeda guul la,aanta.

Waxa aan warbixintan ku soo gudbin doonaa 5 meelood oo ay ku kala badin karaan labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona:

Lionel Messi vs. Sergio Ramos:

Image result for Messi Vs Ramos

Barcelona ayaa si weyn ugu tiirsan Lionel Messi xilli ciyaareedkan waxana uu xiddiga reer Argentine laf dhabar u yahay guulaha ay gaarto kooxdiisu xilli ciyaareedkan.

Messi ayaa ku jira qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa muddo dheer waxana uu dhaliyay 32 gool oo horyaalka xilli ciyaareedkan isaga oo noqon doona khatarta ugu weyn ee Real.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa loo baahan yahay in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan hadii uu doonayo in uu joojiyo Lionel Messi.

Xiddiga reer Spain ayaan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican kulankii Bayern Munich laakiin xiddiga ayaa u baahan in uu kulankan qabto Messi.

Gerard Pique vs. Cristiano Ronaldo:

Image result for Pique Vs Ronaldo

Real Madrid ayaa dabcan haysata xiddigooda kaas oo madax xanuun ku ridi kara kooxda Barcelona waana Cristiano Ronaldo kaas oo dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 20 gool waliba shabaqa soo taabtay 11 kulan oo xiriir waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay guulo wax ku ool ah.

Daafaca reer Spain ee Pique ayaa laftiisu xilli ciyaareedkan ku jira qaab fiican inkasta oo uu ku tiirsan yahay daafaca kale ee Umtiti.

Pique ayaa laga doonayaa in uu qaab fiican soo bandhigo hadii uu doonayo in uu Cristiano Ronaldo ka joojiyo soo taabashada shabaqooda taas oo ay ku adkaatay kooxo badan.

Philippe Coutinho vs. Marcelo:

Image result for Philippe Coutinho

Markii ay kooxda Barcelona la soo wareegtay Philippe Coutinho suuqii January kana soo bixisay 143 waxa ay lacagta uga soo bixisay kulamadan oo kale.

Xiddiga reer Brazil ayaa laga sugayaa in uu isku muujiyo hadii laga ciyaarsiiyo garabka ama khadka dhexe ee kooxdiisa Barcelona.

Inkasta oo uuna xiddigan wali si buuxda ula qabsan horyaalka hadana xiddiga reer Brazil ayaa qaab fiican soo bandhigay kulamada qaar.

Waxa uu ka hor iman doonaa xiddiga ay isku xulka yihiin ee Marcelona hadii uu garabka ka ciyaaro ama xiddiga kale ee ay isku xulka yihiin ee Casemiro hadii uu khadka dhexe ka ciyaaro.

Midkooda uu booskooda ka ciyaaraba waxa looga baahan yahay in ay lama heli karo ka dhigaan Coutinho kana ilaaliyaan kubadaha meelaha fog laga laago.

Marc-Andre ter Stegen vs. Keylor Navas:

Image result for Marc-Andre ter Stegen vs. Keylor Navas:

Dabcan labadan xiddig ayaan si toos ah isugu soo bixi doonin maadama ay labada goolhaye ku kala jiraan hadana waa meesha ugu muhiimsan ee go,aamin karta kulanka.

Qaab ciyaareedka labada goolhaye ayaa si Rasmi ah u go,aamin doona kulanka iyaga oo tijaabo adag kala kulmin doona labada xiddig ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Ter Stegen ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah marka loo eego goolhayaha kooxda Real Madrid ee Navas kaas oo aan horyaalka qaab ciyaareed fiican ku jirin.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada