WARBIXIN: Saddex Arimood Oo La Go,aamin Doono Maanta Oo Ah Maalintii Ugu Dambaysay Horyaalka Premier League

Horyaalka Premier League ayaa maanta la ciyaari doonaa kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka 2017/2018 iyada oo inta badan la go,aamiyay waxyaabo badan.

Si kasta ha ahaatee waxa maanta la go,aamin doonaa ama la kala ogaan doonaa 3 Arin dhamaadka kulamada maanta la ciyaari doono horyaalka premier League.

Horyaalka ayaa wakhti hore la go,aamiyay iyada oo kooxda Man city ku guulaystay iyada oo 4 kulan ka harsan yihiin dhamaadka horyaalka.

Laakiin aanta ayaa la go,aamin doonaa 3 arimood oo kala ah Kooxda kaalinta 4-aad ku dhamaysan doonta horyaalka oo ay ku dagaalamayaan kooxaha Liverpool iyo Chelsea.

Liverpool ayaa iyadu u baahan bar-baro ama guul si ay u xaqiiqsato booska 4-aad ee loogu soo bixi doono tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe halka ay chelsea u baahantahay in ay guul gaarto waliba rajayso in ay Liverpool guuldaro la kulanto.

Si la mid ah waxa maanta la go,aamin doonaa kooxda 3-aad ee ka hari doonta horyaalka premier Leageu iyada oo ay ku dagaalamayaan kooxaha Swansea City iyo Southampton.

Image result for harry Kane mohamed salah

Arintan ayaa ah mid aad u adag lakiin dhici karta marka loo eego kubada cagta Swansea ayaa u baahan in ay ka badiso Stoke City waliba ka dhaliso ugu yaraan 5 gool waliba rajayso in ay Southampton guuldaro 5 iyo wax ka badan ah kala kulanto Man city si ay farqiga goolasha ugu soo baxaan.

Ugu dambayn tartanka loogu jiro gool dhalinta horyaalka premier League ayaa si Rasmi ah loo go,aamin doonaan iyada oo ay ku tartamayaan xiddigaha Mohamed salah iyo Harry Kane.

Salah ayaa leh 31 gool halka uu Harry Kane leeyahay 28 gool taas oo la macno ah in uu Mohamed salah 3 gool ku horeeyo hogaanka gool dhalinta.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada