WARBIXIN: Olivier Giroud vs Virgil van Dijk, & Meelaha Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Chelsea & Liverpool

Kulanka ugu xiisaha badan horyaalk premier League ayaa maanta dhex mari doona kooxaha Chelsea iyo Liverpool kulan la isku baacsanayo boos loogu soo boxo champions League.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii ugu dambeeyay ee ay labada kooxood oo ka mid ah 6-da kooxood ee ugu waaweyn ku kulmaan horyaalka.

Chelsea ayuu cadaadis weyn ku saarnaan doonaa in ay hesho 3-da dhibcood ee kulanka iyaga oo si aad ah ugu dagaalamaya sidii ay ugu soo bixi lahaayeen tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Dhanka kale Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyada oo niyadu u dhisantahay wakhti fiicana ku jirta kadib markii ay iska xaadiriyeen Finalka champions League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa 3 meelood oo ay ku kala badin karaan labada kooxood kulankana go,aamin kara.

Olivier Giroud vs Virgil van Dijk:

Swansea City v Chelsea - Premier League

Dagaalka ayaa u dhexayn doona saxiixyadii labada kooxood ku soo kala biiray suuqii January.

Dad badan ayaa aaminsan in ay labada kooxood badal weyn ku sameeyaan shaxdooda in ay tahay halis laakiin waxa shaki la,aan ah in Giroud & Van Dijk iska hor iman doonaan.

Giroud ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira wakhtigii ugu dabeeyay isaga oo kooxdiisa Blues ka caawiyay in ay guulo gaarto kulamo muhiim ah.

Dhanka kale daafaca reer Holland ee Van Dijk ayaa looga baahan yahay in uu ku jiro qaab fiican oo dhanka cirka ah u badan maadama uu Giroud ku fiican yahay kubadaha madaxa ah.

N’Golo Kante vs Jordan Henderson:

The engines

Kubada cagta waxa inta badan lagu kala badiyaa khadka dhexe waxana uu khadka dhexe muhiim u yahay kulamada waaweyn iyada oo lagu kala badiyo khadka dhexe.

Waxa kulankan iska hor iman doona xiddiga kooxda Liverpool ee Henderson iyo Kante kuwaas oo labadooduba qaab ciyaareed fiican ku jira.

Henderson ayaa laf dhabar u ah kooxdiisa Liverpool isaga oo ka caawiyay in ay gaarto ilaa finalka champions League xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ayna kooxdiisu qaab fiican ku jirin hadana Kante ayaa wali ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Chelsea isaga oo laf dhabar u ah Blues.

Marcos Alonso vs Mohamed Salah:

Can Salah score the winner again?

Tartanka u dhexeeya labada xiddig ayaa noqon doona mid si weyn saamayn ugu yeelan doona maadama ay ka mid yihiin laba xiddig oo qaab fiican ku jira.

Mohamed salah ayaa ka yaabsaday adduunka isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay isaga oo xilli ciyaareedkan kooxdiisa u dhaliyay 43 gool.

Alonso ayaa laftiisu ka mid ah xiddigaha ugu fiican chelsea hadii uuna ahaynba midka ugu fiican isaga oo qaab cajiib ah soo bandhigay.

Labada xiddign ayaa ka mid ahaa shaxdii ugu fiicnaa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada