UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Champions League

UEFA ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee todobaadka champions League iyada oo ay ay 4-tii kooxood ee ka qayb galay tartanka todobaadkanba xiddigo ku lahaayeen.

Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa iska xaadiriyay Finalka tartanka iyaga oo kala dhaafay kooxaha Bayern Munich iyo Roma inkasta oo laga qaab ciyaareed fiicnaa labada kooxood ee Finalka gaaray.

Kooxda Roma oo guul weyn oo 4/2 ah ka gaartay kooxda Liverpool kana hartay tartanka ayaa ku yeelatay shaxda ugu fiican todobaadka 3 xiddig.

Kooxda Liverpool ayaa lafteedu ku le 3 xiddig halka kooxda Bayern Munich ay ku leedahay 2 xiddig shaxda ugu fiican todobaadka champions League.

Real Madrid ayaa dhankeeda ku leh 3 xiddig kuwaas oo dhamaantood wada daafac ah kadib qaab ciyaareed difaac oo fiican oo ay soo bandhigtay kulankii Bayern.

Halkan Hoose Kaga bogo Shaxda & Waliba Qiimaha xiddig kasta helay:

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Champions League

Halkaan Ku Qor Fikirkaada