Tababaraha Mustaqbalka Ee Kooxda PSG Thomas Tuchel Oo Wadahadalo La Qaatay Neymar & Waxa Uu Kala Hadlay Oo La Ogaaday

Waxa laga yaabaa in aan wali si Rasmi ah loo xaqiijin in uu yahay tababaraha Paris Saint-Germain ee xilli ciyaareedka dambe laakiin Thomas Tuchel ayaa la sheegayaa in uu haatanba wadahadalo la qaatay xiddgaha ugu waaweyn kooxda.

Wararka oo dhan ayaa tilmaamaya in uu tababaraha reer Germany heshiis 2 sano ah u saxiixay kooxda Ligue 1 taas oo la xaqiijin doono Isniinta dambe marka uu dhamaado xilli ciyaareedka kooxda PSG.

Wargayska Süddeutsche ayaa sheegay in uu Tuchel la kulmay Neymar Axadii isaga oo waliba cashu ku marti qaaday kalana hadlay u jeedkiisa xilli ciyaareedka dambe.

Mustaqbalka xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Brazil ayaa wali hada ku jira iyada oo si joogto ah loola xiriirinayo kooxda Real Madrid.

Madaxweynaha Kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa dhawaan si cad u sheegay in uu Neymar sii joogi doono kooxda PSG Xilli ciyaareedka dambe.

Dhanka kale Tuchel ayaa isku diyaarinaya Nolosha Paris isaga oo luuqada France ku baranaya dugsi ku yaala Belguim ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiskiisa.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada