Tababaraha Kooxda PSG Ee Unai Emery Oo Xaqiijiyay In Uu Neymar Laba Maalmood Gudohood Ugu Soo Laaban Doono Kooxda, Gooram Ayuuse Tababarka Bilaabayaa?

Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ayaa ku biiri doona liiska xiddigaha PSG labada maalmood xilli uu ka soo kabsanayo dhaawacii xumaa ee soo gaaray bilowgii sanadka 2018.

Si kasta h ahaatee tababarha ka tagi doona kooxda Paris Saint-Germain ee Unai Emery ayaan ka war qabin wakhtiga uu xiddiga reer Brazil ka qayb qaadan doono tababarka buuxa ee kooxdiisa.

Xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga ayaa dhaawac ku maqan tan ilaa February markaas oo uu dhaawac jab lugta ah ka soo gaaray kulankii ay PSG guusha 3/0 ah ka gaartay kooxda Olympique de Marseille.

Taam ahaanshihiisa koobka adduunka ayuu shaki weyn ku jiray laakiin xiddiga reer Brazil ayaa bishii hore sheegay in uu ku soo laaban doono tababarka 17 bisha laba maalmood ka hor kulanka ugu dambeeya ee PSG.

Tababare Emre oo arinta Neymar ka hadlaya ayaa yiri”Arinta khusaysa Neymar, waxa aan ogahay marka uu soo laaban doono Jimcaha oo maanta ah ama sabtida, laakiin waxa uu u soo laaban doonaa in uu nala joogo”ayuu yiri

“Laakiin ma ogin wakhtiga uu ku soo laaban doono tababarka kooxda, waynu eegi doonaa marka uu yimaado”.

Neymar oo 28 gool dhaliyay 30 kulan oo uu u ciyaaray kooxda PSG ayaa xagaagii la soo dhaafay noqday xiddiga ugu qaalisan isaga oo kaga soo biiray Barcelona lacag dhan 222 milayn euro.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada