Tababaraha Kooxda Liverpool Ee Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Uu Emre Can Heshiis U Saxiixay Juventus

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay xaqiiqada wararka sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa ee Emre Can heshiis u saxiixay kooxda Juventus.

Xiddiga reer Germany oo uu heshiiskiisa Liverpool dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Liverpool.

Waxa maanta oo jimce ah soo baxay in uu Emre Can kooxda Juventus qalinka ugu duugay heshiis uu sanadkii ku qaadanayo mushahar dhan 4.4 milyan euro.

Si kasta ha aahatee Jurgen Klopp ayaa arintaas beeniyay waliba sheegay in uuna xididgu wali wax koox ah heshiis u saxiixin.

Klopp oo xaalka Emre Can ka hadlaya ayaa yiri” Emre Can heshiis umuu saxiixin Juventus, wax walba waxa ay joogaan halkii hore”.

“Hadii uu xiddigu heshiis u saxiixay kooxda Liverpool waxa lagu hadal hayn lahaa saxaafada in badan”.

Emre Can ayaa ka soo kabsanaya dhaawac dhabarka ah oo uu ku dhibaatoonay tan ilaa bishii March markaas oo uu ku dhaawacmay kulankii Watford.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada