Tababaraha Kooxda Juventus Ee Max Allegri Oo Go,aankiisii Ugu Dambeeyay Farta Ka Saaray Arsenal, Miyuu Tababare U Noqon Doonaa?

Tababaraha Kooxda Juventus ee Max Allegri ayaa u muuqday mid meesha ka saaray in uu tababare u noqon doono kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Taas ayaa sii xoojinaysa fursada tababare ku xigeenka Man City ahna kabtnkii hore ee kooxda Arsenal ee Mikel Arteta uu shaqada Gunners uga badali doono Arsene Wenger.

Allegri ayaa sheegay in uu sii joogi doono Juventus ilaa ay shaqada ka cayriyaan mooyaane.

Tababaraha reer Italy ayaa bartilmaameed u ah kooxaha Arsenal iyo Chelsea kadib markii uu xaqiijiyay in uu doonayo in uu maalin tababare ka noqdo premier league.

Laakiin Allegri ayaa yiri”Miyaan sii joogi doonaa Juventus? haa. waxa aan kula jiraa heshiis waana in aan sharfo”.

“Hadii ayna shaqada iga cayrin, waan sii joogi doonaa Juventus xilli ciyaareedka dambe sidoo kale”.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada