Shaxda Rasmiga Ah Ee Levante Vs Barcelona: Ernesto Valverde Oo Shaxdiisa Is Badal Weyn Ku Sameeyay

Kooxda Barcelona ayaa goordhaw la ciyaari doonta kooxda Levante kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkiisii 37-aad ee xilli ciyaareedka.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo uu ka maqan yahay xiddiga ugu muhiimsan kooxda ee Lionel Messi kaas oo uu tababaruhu nasiyay.

Sidoo kale Valverde ayaa ku bilaabay shaxdiisa daafacyada Mina iyo Vermaelen isaga oo nasiyay daafaca Pique halka uu Umtiti dhaawac ku seegay kulana.

Weerarka ayay hogaaminayaan xiddigaha Dembele,Coutinho iyo Suarez iyaga oo isha ku haya in ay sii wadaan rikoorkooda guuldaro la,aanta.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka:

Levante: Oier, Coke, Pier, Postigo, Luna, Lukic, Campaña, Morales, Bardhi, Boateng, Roger.

 

Barcelona: Ter Stegen, Semedo, Mina, Vermaelen, Alba, Rakitić, Busquets, Iniesta, Dembelé, Coutinho, Suárez.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada