Shan Xiddig Oo Real Madrid Ah Oo U Tartamaya In Ay Boos Ka Helaan Shaxda Real Ee Finalka Champions League

Wargayska Marca ayaa sheegaya in tababaraha Real Madrid ee Zidane uu wajahayo shaqo adag oo ah doorashada shaxdiisa kulanka Finalka champions league ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Liverpool 26 bisha May.

Gareth Bale ayaa sabab u ah arintaas kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay labadii kulan ee ugu dambeeyay isaga oo dhaliyay 3 gool.

Si la mid ah Isco ayaa ku soo laabtay qaab ciyaareed cajiib ah kadib markii uu dhaawacii ka soo laabtay kulankii Celta Vigo isaga oo dhaliyay gool.

Karima Benzema ayaa sidoo kale ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa inkasta oo uuna wax gool ah dhalin hadana waxa uu qayb weyn ka qaatay kulamadii ugu dambeeyay.

Sidaa darteed Zidane ayaan kaliya 2 xiddig dooran doonin si uu uga garab ciyaarsiiyo Cristiano Ronaldo laakiin waxa uu 5 xiddig ka dooran doonaa 2 xiddig si uu uga garab ciyaarsiiyo Ronald.

Shaxda Real Madrid ayaan iska badali doonin xiddigaha Navas,Ramos,Carvajal,Marcelo,Casemiro,Modric,Kroos iyo Ronaldo laakiin 3-da boos ee banaan ayaa Zidane ku noqon doonta mid adag si uu ugu doorto 5 xiddig oo dhamaantood qaab ciyaareed fiican ku jira.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada