Saddex Final,32 Xiddig & 25 Guulood: Warbixin Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Sidii Ay Real Madrid Ku Gaartay 3-da Final Ee Xiriirka Ah Champions League

Real Madrid ayaa ciyaari doonta finalkii 3-aad oo xiriir ah champions League muddo 3 xilli ciyaareed ah waxana ay shaxdu ahayd mid isku mid ah inkasta oo la ay isticmaasha 32 xiddig oo kala duwan.

Shaxdii Finalkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkii 2015/2016 ayaa ahaa Keylor Navas; Dani Carvajal, Raphael Varane, Sergio Ramos, Marcelo; Luka Modric, Toni Kroos; Isco, Gareth Bale, Cristiano Ronaldo; Karim Benzema.

Waxana laga yaabaa in ay shaxdaas mar kale ciyaarto kulanka finalka xilli ciyaareedkan taas oo muujinaysa in ay Los Blancos si fiican iskula haysato 3-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Waxa is badalay ayaa ah xiddigaha badalka ah kuwaas oo Real Madrid ka caawiyay in ay tartanka ku sii jirto kulanba kulanka ka dambeeya.

Kooxda ayaa 22 xiddig isticmaashay finalkii 2015/2016 iyaga oo xilli ciyaareedkii hore isticmaalay 23 xiddig halka ay sanadkan isku gayn istcimaashay 32 xiddig oo kala duwan.

Kaliya 4 xiddig oo ka mid ah 32-kaas xiddig ayaan wax kulan ah ku bilaaban waxana ay kala yihiin Mariano (5 daqiiqo), Marcos Llorente (21 daqiiqo), Denis Cheryshev (37 daqiiqo) & Dani Ceballos (82 daqiiqo).

Qayb ka mid ah 32-kaas xiddig ayaa ka qayb qaatay dhamaan 3-da xilli ciyaareed ee taariikhig ah waxana ay kala yihiin Navas, Ramos, Marcelo, Modric, Casemiro, Kroos Iyo Ronaldo kuwaas oo ciyaaray ku dhawaad 70%.

Carvajal, Varane, Benzema & Isco ayaa dhankooda ciyaaray 50% daqiiqaha 3-daas xilli ciyaareedk.

Kooxda ayaa ciyaartay 36 kulan waxana ay badiyeen 25 kulan iyada oo uu Ronaldo ahaa xiddiga ugu muhiimsan maadama uu dhaliyay 41 gool oo 3-da xilli ciyaareed ah Ronaldo ayaa dhaliyay 15 gool xilli ciyaareedkii 2015/2016, 10 gool xilli ciyaareedkii hore iyo 16 gool sanadkan.

Benzema ayaa ku xiga isaga oo dhaliyay 13 gool kaliya 11 xiddig ayaan wax gool ah u dhalin 3-da xilli ciyaareed 6 ka mid ah 11-kaas xiddig ayan ciyaarin 100% kulamada kooxda taas oo muujinaysa in ayna wax gool ah dhalin.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada