Roberto Carlos Oo Rumaysan In Uu Arin La Yaab Leh Kooxda Real Madrid Uga Caawin Karo In Ay Ku Guulaysato Champions League.

Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid ee Roberto Carlos ayaa shaaca ka qaaday in uu si la yaab leh u caawin doono kooxdiisa Real Madrid si ay Finalka champions League ugu garaacdo kooxda Liverpool.

Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa finalka champions League wada ciyaari doona 26 bishan aynu ku jirno iyaga oo ku kala qaadi doona Keiv.

Daafacii hore ee Real Madrid ayaa sheegay in uuna garkiisa xiiri doonin si uu nasiib wacan ugu noqdo kooxda Real Madrid uguna guulaystaan champions League isla markaasna finalka kadib xiiri doono.

“Waa in aan sugo ilaa 26 bisha May Sababta oo ah waxa aanu 26 May leenahay kulan muhiim ah oo aan la ciyaari doono Liverpool”ayuu u sharaxay Barnaamijka El Hormiguero.

“Waxa aan u malaynayaa in aan ka caawin karo kooxdu in ay ku guulaysato koobka”.

Waxa uu sidoo kale ku kaftamay sababta ay qaar ka mid ah timihiisu u cad yihiin.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada