Rasmi: Franck Ribery Oo Xaqiijiyay In Uu Heshiis Cusub U Saxiixay Kooxda Bayern Munich

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee  Franck Ribery ayaa xaqiijiyay in uu heshiis cusub u saxiixay kooxda Bayern Munich.

Franck Ribery ayaa heshiis hal sanno ah oo uu kula sii joogayo kooxda Bayern Munich – isagoo soo gabagabeynaya wararkii xanta ahaa ee ku saabsanaa mustaqbalkiisa.

35 jirkaan ayaa qandaraaskiisa uu dhacayay xagaagan, waxaana la filayay inuu ka tago kooxda heysata horyaalka Bundesliga ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin xiddiga qadka dhexe ee reer France ayaa qandaraas cusub qalinka ku duugay, isagoo oo haysata horyaalka Germany sii jogi doona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo aadan.

Waxa uu heshiiska cusub ku xaqiijiyay bogiisa Instagram ka hor inta uuna isla markiiba masaxin sida laga soo xigtay Sky Sport News.

Kooxda Bayern Munich ayaa dhankeeda la filayaa in ay si Rasmi ah u xaqiijiso heshiiska cusub saacadaha soo socda.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada