Rasmi: Dani Alves Oo Seegi Doona Koobka Adduunka Russia 2018 Kadib Dhaawac Xun Oo Soo Gaaray

Xulka qaranka Brazil ayaa u safri doona Russia iyaga oo uu ka maqan yahay daafaca khabiirka ah ee Dani Alves kadib markii uu soo gaaray dhaawac halis ah kulankii French Cup Final.

Waxa baaritaan ku sameeyay dhakhtarka xiriirka xulka Brazil waxana uu xaqiijiyay in uu seegi doono tartanka xagaaga ee koobk adduunka.

Wargaysyada Brazil ayaa sheegaya in uuna tababare Tite u yeeri karin xiddiga taas oo albaabka u furaysa xiddigaha Danilo,Rafinha iyo Fagner kuwaas ka ciyaari kara daafaca midig.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah daafaca reer Brazil kaas oo la filayay in uu koobka adduunka sanadkan noqdo midkii ugu dambeeyay maadama uu sanadka dambe weynaan doono.

Alves ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee dhaawac dartiis ku seega bandhiga ugu weyn kubada cagta ee xagaaga lagu qaban doono Russia.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada