Rasmi: Daafaca Arsenal Ee Laurent Koscielny Oo Seegi Doona Koobka Adduunka

Xiriirka France ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in ay  koobka adduunka Russia 2018 Waayi doonaan xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Laurent Koscielny kadib dhaawac halis ah oo lugta ka soo gaaray kulankii Sem-finalka Europe League.

Daafaca France Laurent Koscielny ayaa ka maqnaan doona Koobka Aduunka sida ay xaqiijiyeen xiriirka kubadda cagta Faransiiska (FFF).

Koscielny ayaa dhaawacmay daqiiqadihii hore ee  kulankii semi-finalka Europa League ee Atletico Madrid iyadoo Arsene Wenger uu soo jeediyay inuu soo dhaawac halis ah.

Inkastoo xiriirka kubada cagta FFF uusan xaqiijinin dhibaatada daafaca dhexe, waxa ay ku dhawaaqeen in uuna xulka matali doonin Russia.

“Waa Dhibaato Weyn oo ku dhacday xulka Franc ayuu yiri tababaraha Les Bleus Didier Deschamps. “Dhaawac marnaba ma iman wakhti sax ah”.

“Aad ayaan uga xumahay Laurent, sababtoo ah Koobka Adduunka sidoo kale wuxuu ahaa mid aad u muhiim ugu ah xirfadiisa ciyaareed waxa aan u rajaynayaa adayg iyo in uu si deg-deg ah ugu soo laabto garoomada”.

Koscielny, oo 51 kulan u saftay France, ayaa hore u sheegay inuu ka fariisan doono ciyaaraha caalamiga ah ka dib Koobkii Adduunka.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada