Rasmi: Bayern Munich Oo Xaqiijisay In Ay Heshiisyo Cusub Ka Saxiixatay Arjen Robben & Rafinha

Kooxda Bayern Munich ayaa si Rasmi ah u shaacisay in ay heshiisyo cusub ka saxiixatay laba xididg oo kooxdeeda u ciyaara kuwaas oo kala ah xiddiga garabka ka ciyaara ee Arjen Robben iyo daafaca reer Brazil ee Rafinha.

Maamulka Bayern Munich ayaa dalab miiska u saaray xiddiga reer Holland ee Arjen Robben todobaadyo ka hor si uu kooxda ugu saxiixo heshiis cusub oo hal sano ah kaas oo dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka 2019.

Laakiin xiddiga reer Holland ayaa k meer-meerayay in uu saxiixa gaar ahaan isaga oo dalabyo fiican ka helay meelo ka baxsan Germany.

Si kasta ha ahaatee kooxda Bayern Munich ayaa bogeeda Twitter-ka si Rasmi ah ugu shaacisay in ay heshiisyo cusub ka saxiixatay xiddigaha Arjen Robben IYO daafa reer Brazil ee Rafinha.

Arjen Robben ayaa horay uga helay dalabyo fiican oo uu ugu wareegi karo horyaalada America iyo shiinaha laakiin xiddiga ayaa diiday waliba doorbiday in uu hal sano ku sii qaato Bayern Munich.

Robben ayaa kooxda Bayern Munich u ciyaaray 34 kulan isaga oo dhaliyay 7 gool sidoo kale caawiye ka noqday 12 gool oo kale.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada