Rasmi: Atletico Madrid Oo Soo Saartay Xiddigaha Ay Ku Ciyaari Doonaan Finalka Europe League

Kooxda Atletico Madrid ayaa u safartay Lyon ka hor kulankooda Finalka ee maalinta Arbacada iyada oo uu tababare Simeone soo saaray liiska 20-ka xiddig ee uu kaga qayb qaadan doono kulanka.

Xiddigaha Jose Gimenez iyo Vitolo ayaa ka soo muuqday Liiska kadib markii ay ka soo kabsadeen dhaawac jug ah oo soo gaartay kulamadii hore.

Inkasta oo aan wali si buuxda ogolaansho loogu siin in uu ku bilowdo kulanka Xiddiga Vitolo ayaa la filayaa in uu garabka ka ciyaaro garabka kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah.

Gimenez ayaa dhanka kale ahaa xiddiga laga wal-walayo ilaa Axadii kadib markii uu seegay tababarka isaga oo raaxo dareemi waayay tababarka.

Dhanka kale Simeone ayaa haysta koox buuxda oo taam ah oo uu ka soo xulan doono Finalka Europe League ay habeen dambe la ciyaari doonaan Marseille.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu soo xushay tababare Simeone:

Goolhaye: Jan Oblak, Axel Werner, Alex Dos Santos.

Daafaca: Sime Vrsaljko, Juanfran Torres, Jose Gimenez, Diego Godin, Stefan Savic, Lucas Hernandez, Filipe Luis.

Khadka Dhexe: Vitolo, Gabi, Thomas Partey, Saul Niguez, Koke.

Weerarka: Angel Correa, Antoine Griezmann, Diego Costa, Kevin Gameiro, Fernando Torres.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada