Rasmi: Ac Milan & Juventus Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Ay Isaga Hor Iman Doonaa Finalka Coppa Italia

Tababarayaasha kooxaha Juventus iyo Ac Milan ee Maxi Allegri iyo Gennaro Gattuso ayaa soo saaray Liiska xiddigaha ay ku ciyaari doonaan Finalka Coppa Italia ee habeen dambe.

Juventus ayaa dib u hesho weeraryahanka Mario Mandzukic laakiin wayday daafaca khabiirka ah ee Chiellini kaas oo seegay kulanka sababo la xiriira dhaawac.

kooxda Bianconeri ayaa isha ku haysa in ay markii 4-aad oo xiriir ah ku guulaysato koobka Coppa Italia waliba noqon doona markii 4-aad ee ay laba koob oo maxaliga ah ku guulaysato.

Dhanka kale kooxda Ac Milan ayay u soo bexeen war fiican iyaga oo dib u helay adeega xiddiga khadka dhexe ee Lucas Biglia kaas oo ka soo muuqday liiska.

Xiddiga reer Argentine ayaa ka soo kabanayay dhaawac waxana uu saaka si buuxda tababarka ula qaatay kooxda taas oo tababare Gattuso ku qasabtay in uu liiska ku daro.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha Ac Milan.

Donnarumma, Storari, A. Donnarumma, Abate, Antonelli, Bonucci, Calabria, Gomez, Musacchio, Rodriguez, Romagnoli, Zapata, Biglia, Bonaventura, Calhanoglu, Kessié, Locatelli, Mauri, Montolivo, Torrasi, Borini, Cutrone, Kalinic, Silva, Suso

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha Juventus:

 Buffon, Szczesny, Pinsoglio, De Sciglio, Benatia, Alex Sandro, Barzagli, Howedes, Rugani, Lichtsteiner, Pjanic, Khedira, Marchisio, Matuidi, Asamoah, Sturaro, Bentancur, Cuadrado, Higuain, Dybala, Douglas Costa, Mandzukic, Bernardeschi

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada