Neymar Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Horyaalka Ligue 1 Ee France,Yaa Abaalmarinta Gudoonsiiyay

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka Ligue 1 inkasta oo uu xilli ciyaareedkiisu dhamaaday bishii February.

Xiddigii hore ee Barcelona ayuu abaalmarinta gudoonsiiyay halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo isaga oo qirtay wararka sheegaya in uu Neymar ka tagi doono PSG Xagaaga.

26 jirka reer Brazil ayaa qirtay in uu cabsanayay intii uu ku jiray soo kabsashada qaliinka kadib laakiin haatan si buuxda ogolaansho loogu siiyay in uu ku soo laabto tababarka buuxda.

Xiddigan reer Brazil ayaa baalmarinta ku guulaystay isaga oo kaliya 29 kulan u ciyaaray kooxdiisa xilli ciyaareed horyaalka Ligue 1 isaga oo dhaliyay 26 gool.

Waxa uu yiri: “Maanta, waan fiicnahay, marka hore, waxaan ka baqayay in aan sameeyo dhaqdhaqaaq xun, hase yeeshee, waan ixtiraamaa waxa uu dhakhtarku ii sheegay.”

Dhakhtarka xulka Brazil ayaa sheegay in uu xiddigu u soo kabsanayo sidii la filayay oo uu tababarka buuxa ee PSG ku soo laaban doono Arbacada.

Neymar ayuu dhaawacu soo gaaray kulan ka tirsanaa horyaalka Ligue 1 kulan ay la ciyaarayeen kooxda Marseille taas oo keentay in uu bilo 3 bilood garoomada ka maqnaado.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada