Kooxda PSG Oo War Cad Uga Sheegtay Real Madrid Go,aankooda Mustaqbalka Neymar Iyaga Oo Sidoo Kale Qaaday Talaabo Ay Ku Taageerayaan Go,aankaas

Wararka xanta ah ee sheegaya ka tagitaanka Neymar ee PSG ayaan wax saamayn ah ku yeelan kooxda iyaga oo xiddiga reer Brazil ku soo bandhigay maaliyada xilli ciyaareedka dambe ee 2018/2019.

Website-ka Rasmiga ah ee PSG ayuu xiddiga reer Brazil iyo xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Kyllian Mbappe, Edinson Cavani, Dani Alves and Marco Verratti dhamaantood ku soo bandhigay.

Sidoo kale waa xiddiga kaliya ee ay kooxdu boga Instagram-ka ku xayaysiisay markii ay kooxdus oo saartay maaliyada cusub ee mininka xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Marca ayaa sheegay maanta oo jimce ah in Aabaha Neymar uu haatanba kooxda PSG ku war galiyay niyada wiilkiisa ee ah in uu ka tago kooxda xagaaga.

Waxana ay leeyihiin u jeedo cadaan ah taas oo ah in uu u saxiixo Real Madrid.

Si kasta ha ahaatee PSG Diyaar u ah in ay wax walba u samayso sidii ay xiddiga ugu sii hayn lahayd kooxda.

“Neymar iib maaha”ayay u xaqiijiyeen wargayska.

Soo bandhigida Neymar ee maaliyada xilli ciyaareedka dambe ayaa sidoo kale tusaale u ah halka ay kooxda PSG ka taagantahay iibka Neymar.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada