Kooxda Levante Oo Guuldaradii Ugu Horaysay Garka U Galisay Barcelona & Blaugrana Oo Laga Dhaliyay 5 Gool

Kooxda Barcelona ayaa kulan waalan kala kulantay kooxda Levante kana tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Estadio Ciudad de Valencia,

Barcelona ayaa kulanka soo gashay iyaga oo uu ka maqan yahay xiddiga 1-aad ee kooxda ee Lionel Messi kaas oo uu tababaruhu nasiyay kulanka.

Levante ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo daqiiqadii 9-aadba dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Emmanuel Boateng Kaas ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Levante ayaa halkeedii kasii waday weerar lama filaan ah oo ay ku qaadaysay kooxda Barcelona iyaga oo daqiiqadii 30-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaara isaga oo uu u dhaliyay isla xiddiga Emmanuel Boateng kaas oo hogaanka ciyaarta u dheereeyay kooxdiisa.

Barcelona ayaa daqiiqadii 38-aad hal gool soo ceshatay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Philippe Coutinho kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Levante ku hogaaminayso 2/1 waliba ka yaabsatay kooxda Barcelona.

Qaybtii dambe ayay Si La Mid Ah Levnate ku bilaabatay si dar-da leh iyaga oo qaadayay weeraro waali ah oo ay ku doonaysay goolal in ay ku sii badsato.

Daqiiqadii 46-aad ayay Levante dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Enis Bardhi kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Levante ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 49-aad dhalisay goolka 4-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddigii 2-dii gool ee hore dhaliyay ee Emmanuel Boateng kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1.

Mar kale ayay kooxda Levante daqiiqadii 56-aad dhalisay goolka 5-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Enis Bardhi kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/1

Kooxda Barcelona ayaa markan galka seefta kala baxday iyada oo weerar u qaaday sidii ay isaga soo badi lahayd goolasha laga dhaliyay.

Phillippe Coutinho oo ahaa xiddiga ugu fiicnaa Barcelona ayaa daqiiqadii 59-aad dhaliyay goolka 2-aad ee kooxda Barcelona isaga oo ciyaarta ka dhigay 5/2.

Barcelona ayaa rajo fiican heshay waxana ay bilwoday raadinta goolal kale iyaga oo uu daqiiqadii 64-aad goolka 3-aad u dhaliyay Philippe Coutinho oo dhaliyay goolkii 3-aad ee shaqsiga ahaa.

Kooxda Barcelona ayaa mar kale dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu gool rikoore ah u dhaliyay xiddiga Luis Suarez kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/4.

Barcelona ayaa wax walba u samaysay sidii ay u keeni lahayd goolka una sii hayn lahayd rikoorkeeda guuldaro la,aanta ee xilli ciyaareedkan.

Laakiin Levante ayaa si fiican u difaacatay una  diiday Barcelona in ay dhaliso goolka bar-baraha iyaga oo dusha ka saaray guushii ugu horaysay kooxda Barcelona.

Waxa sidaas ku dhamaatay kooxda Barcelona oo dusha laga saaray guuldaradii ugu horaysay ee xilli ciyaareedkan lagana jabiyay rikoorkii ay ku taamayeen.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada