Kooxda Juventus Oo Hal Xaalad Kula Soo Saxiixan Karta Xiddigaha Morata & Martial

Kooxda Juventus ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato Alvaro Morata iyo Anthony Martial xagaaga laakiin xaqiiqda ayaa in ay kooxda Juventus midkood u dhaqaaqi doonto dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Saxiixa 2-da xiddig ayaa kooxda Juventus ku keeni kara in ay bixiso ku dhawaad 120 milyan oo euro iyada oo ay chelsea diyaar u tahay in ay amaah 15 milyan ah ku siiso Alvaro Morata ka hor inta ayna si toos ah ugu iibsan 45 milyan oo euro.

Dhanka Martial ayaa la aaminsan yahay in xiddiga lagu iibsan karo 50 ilaa 60  Milyan oo euro xilli uu xiddigu doonayo in uu isaga tago United.

Si kasta ha ahaatee Juventus ayaa la saxiixan karta labadooda midkood ilaa ay iska iibiso weeraryahanka reer Argentine ee Gonzalo Higuain.

Weeraryahanka reer Argentine ayaa xiiso ka healaya kooxda PSG waxana uu bixitaanka xiddigu ka caawin karaa Juventus in ay hal mar wada hesho labada xiddig ee u kala ciyaara chelsea iyo Man United.

Si kasta ha ahaatee Bixitaanka Gonzalo Higuain ee wakhti xaadirkan ayaa ah mid aan suurtagal ahayn maadama uu xiddigu ku faraxsan yahay kooxda.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada