Kooxda Inter Milan Oo Ku Dhaw Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga & Xiddig Tijaabada Caafimaadka Ugu Baasay

Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan ku guulaysatay saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaaga iyaga oo tijaabada caafimaadka mariyay.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Juventus ee Kwadwo Asamoah ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Inter Milan isaga oo si xor ah ugu biiraya kooxda.

Xiddiga reer Ghana ayaa kooxda Juventus ku qaatay 6-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay laakiin heshiiskiisa ayaa dhamaan doona 30 bisha June umana muuqato in ay kooxdiisu heshiis cusub u soo bandhigi doont.

Shabaka Sky Sport ayaa haatan xaqiijisay in uu xiddigu maanta si Rasmi ah ugu baasay tijaabada caafimaadka kooxda Inter Milan.

29 jirkan ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxda Inter Milan todobaadyadii ugu dambeeyay isaga oo ugu dambayn ogolaaday in uu ku biiro kooxda.

Kwadwo Asamoah ayaa la filayaa in uu qalinka ku duugo heshiis 3 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 3 milayn oo eur.

Xiddigan ayaa kooxda Juventus u ciyaaray 15 kulan xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya 2 kulan oo kaliya ku soo bilowday una dhaliyay hal gool.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada