Koox Reer Italy Ah Oo Dhigeeda Barcelona La Furtay Wadahadalo Rasmi Ah Oo Ay Kaga Doonayso Luis Suarez

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa maanta oo salaasa ah sheegaya in ay koox reer Italy ay wadahadalo la furtay kooxda Barcelona kaas oo ay kaga doonayso weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez sida ay sheegayaan wararku.

Waxa maalmihii ugu dambeeyay soo baxaya warar sheegaya in uu Luis Suarez isaga tagi doono kooxda Barcelona maadama ay ku sii dhawaanayso in ay kooxdu la soo wareegto xiddiga Antoine Griezmann.

Kooxda Inter Milan ayaa si Rasmi ah ula xiriiray maamulka kooxda Barcelona iyaga oo u sheegay dareenkooda ku aadan helitaanka saxiixa xiddiga reer Uruguay marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Inter Milan ayaa xiriir fiican la leh kooxda Barcelona iyaga oo heshiis amaah ah kaga qaatay xiddiga Rafinha suuqii January waxana ay haatan ugu laaban doonaan saxiixa suarez.

Kooxda reer Italy oo u dagaalamaysa u soo bixitaanka champions League xilli ciyaareedka dambe ayaa Suarez u aragta badalka munaasibka ah ee kabtankeeda Mauro Icardi.

Mauro Icardi ayaa ka tagi doona kooxda Inter Milan hadii ayna u soo bixin champions League xilli ciyaareedka dambe waxana ay doonaysaa in ay suarez ka dhigto badalkiisa.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada