Juventus Oo Bah-dishay Ac Milan Kuna Garaacday Koobka Coppa Italia

Kulan ka tirsanaa Finalka Coppa Italia kooxda Juvenntsu ayaa ku guulaystay koobka kadib markii ay kooxda Ac Milan ku garaacday 4/0 kadib kulan la yaab lahaa oo qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala baxay bar-baro bilaa goolal ah.

Kooxda Tababare Allegri ayaa Ac Milan garaacday qaybtii dambe ee ciyaarta iyaga oo sida daadka u dhex maray daafaca Milan kana dhaliyay 4 gool.

كأس ايطاليا: اليوفنتوس يُحرج الميلان برباعية نظيفة ليتوّح باللقب‎

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid adag oo ay labada kooxoodba adkaayeen iskuna dhaafi waayeen bar-baro iyada oo kooxda Ac Milan ku dhawaatay daqiiqadihii ugu horeeyay in ay goolal dhaliso.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayuu fiicnaaday qaab ciyaareedka xiddigaha Ac Milan iyo Juventus waxana ay bilaabeen in ay sameeyaan fursado goolal laga dhalin karo.

Daqiiqadii 56-aad ayay kooxda Juventus heshay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Medhi Benatia kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Juventus ayaa halkeedii kasii waday weerarka waxana ay daqiiqadii 61-aad heshay goolka 2-aad ee ciyaarta oo uu u dhaliyay xiddiga garabka uga ciyaara ee Douglas Costa kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa.

Iska Daafaca Medhi Benatia ayaa aasay Ac Milan daqiiqadii 64-aad isaga oo ka dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta isaga oo kulanka ka dhigay 3/0.

Ac Milan ayaa garan wayday meel ay wax ka si noqdeen waxana ay garan waayeen sida uu xaalku yahay axana ay galeen fajac iyo la yaab.

Iyaga oo garan la, meesha ay wax ka si noqdeen ayay kooxda Juventus heshay goolka 4-aad iyada oo uu si khalad ah isaga dhaliyay weeraryahanka Ac Milan ee Nikola Kalinic.

Waxa sidaas ku dhamaatay guul ay kooxda Juvetus si cajiib ah ugu qaaday koobka Coppa Italia una sii dhawaanaysa in ay ku guulaysato laba koob.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada