Hordhac: West Ham Vs Man United: Red Devils Oo Isha Ku Haysa Ku Soo Laabashada Wadada Guulaha

Kooxda Man United ayaa u safri doonta West Ham United kulan ka tirsan kulamada baaqiga u ah labada kooxood kana tirsan horyaalka Premier League.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galay iyaga oo aan wax muhiimad ah u dagaalamayn maadama ay United xaqiiqsatay booska kaalinta 2-aad sidoo kale West Ham xaqiiqsatay in ay sii joogi doonto horyaalka xilli ciyaareedka dambe.

Si kasta ha ahaatee United ayaa iyadu kulanka u soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ka soo laabtaan guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaartay Brighton.

Kulanka: West Ham Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtig: 9:45 Habeenimo

Garoonka: London Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester United ayaan badinin kulankoodii ugu danbeeyay ee Premier League tan iyo 2011/12, markii ay garaaceen Sunderland lakiin horyaalka ayay u waayeen Man City.

Jose Mourinho ayaan waligii guuldaro kala kulmin Tababare David Moyes tartanka premier League Waxa uu guul ka gaaray 7 kulan halka uu bar-baro la galay 3 Kale.

Chicharito ayaa noqon kara xiddigii 23-aad ee premier League gool u dhaliya Man United hadana ka dhaliya Man United 3 ka mid ah 22-ka xiddig ee kale aya kala ah Romelu Lukaku, Alexis Sanchez Iyo Henrikh Mkhitaryan kuwaas oo xilli ciyaareedkan sameeyay sidaas.

West Ham ayaan gaarin laba guulood oo xiriir ah tan ilaa January 2017 halka ayna Man United la kulmin laba guuldaro oo xiriir ah tan ilaa May 2017.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada